Bajaajle APP
Bajaajle waa app laga dalbado Bajaaj iyo Mooto-feykoon ta ee Muqdisho kaasoo kugu xiraya darawallo la hubiyay oo kuu dhow — daqiiqado gudahood, si sahlan oo ammaan ah.
AMMAANKAGA AYAA MUDNAANTA LEH
• Darawal tixraac leh : Darawal kasta waxaa laga diiwaan galiyey xogtiisa gaarka oo buuxda iyo qof damiin ka ah, waxaad arki karta magaca, sawirka iyo taarikada mootada ka hor inta aadan raacin.
• Hakula socdo qof aad ku kalsoon tahay marwalba : Qof aad ku kalsoon tahay la wadaag link-ga safarkaaga, si uu kuu la socdo meesha aad marayso iyo halka aad u socoto si live ah inta safarku socdo.
• Badhanka degdegga (SOS) : Haddii aad qatar la kulanto, hal taabasho oo badhanka gaduudan ah ayaad caawimo dagdag ah ku codsan kartaa.
QIIMO CAD OO LA ISKU RAACSAN YAHAY
• Ogow qiimaha ka hor dalabka : Wax qarsoon ama lama-filaan ah ma jiraan.
• Qiimo caddaalad ah oo labada dhinac isku raacaan : Adiga iyo darawalku waxaad ku heshiineysaan qiime macquul ah inta aadan dalblan safarka, safar kastana waa mid daah-furan.
• Ku bixi lacagta sida kuu habboon : EVC Plus ama Cash middii aad doonto ayaad ku bixineysaa.
HUFNAAN IYO TAYO AAD KU KALSOONAAN KARTO
• Darawalka kuugu dhaw : Darawlka kuugu dhaw kaliya ayaa ku aqblaya
• Safaro degdeg ah: Dalbo kadibna Map-ka si live ah ugala soco halka uu darawalka soo marayo.
• Qiimee safar kasta : Tayada iyo ammaankaaga ayaan mudnaanta siinaa.
DARAWALLADA :
La shaqee Bajaajle oo dakhli ku samee rabitaankaaga. Diiwaangeli mootadaada, noqo en ligne, oo aqbal dalabyada kuugu dhaw adigoo xor ah oo cidna aadan u shaqeyn, adiguna lacagtaada ka qaado macaamilka.
Bajaajle — Mooto iyo darawal la hubiyay iyo safar aad ku xasili karto, Muqdisho oo dhan.
vivamax 
