Qalinqaad APP
Qaamuuska Qalinqaad waa aplicación casri ah oo kuu sahlaya inaad hesho macnaha erayada, naxwaha, habka is-rogroga, iyo tusaaleyaal cad-cad, adiga oo aan u baahnayn internet. Waxaan adeegsannay tignoolajiyadda ugu dambaysa si aan u ilaalino, una horumarinno Afka Soomaaliga, annagoo ka dhigayna mid la jaan-qaada horumarka tiknoolajiyadda.
Astaamaha Ugu Muhiimsan (características clave):
📘 Qaamuus Dhammaystiran: Ka raadi kumanaan eray oo Af-Soomaali ah. Hel qeexitaanka erayga, Isrog-roggiisa (Conjugación), Erayada la macnaha ah (Sinónimos), iyo Tusaalayaal muujinaya sida loo adeegsado.
🔎Raadin Degdeg Ah: Dhaqso u hel eray kasta oo aad u baahan tahay. App-ku wuxuu ku tusayaa liiska erayada inta aad qoraalka waddo.
📶 Internet La'aan: Uma baahnid internet si aad u adeegsato. Soo deji app-ka, kadibna isticmaal qaamuuska meel kasta iyo waqti kasta.
❤️ Kaydkaaga: Ma heshay eray muhiim kuu ah? Ku dar liiskaaga "Kaydka" si aad dib ugu noqoto mar dambe.
📙Naxwe & Isrogrog: Baro nooca erayga (magac, fal, sifo), sida uu isu beddelo (conjugaciones), iyo tusaaleyaal ku jira jumlooyin.
🔄 Cusboonaysiin Toos ah: Marka erayo cusub lagu soo kordhiyo kaydka xogta, app-kaagu wuxuu si toos ah u soo dejisanayaa erayadaas cusub marka aad internet hesho.
🎯Hadafkeena:
Qaamuuska Qalinqaad wuxuu u taagan yahay dhisidda buundo aqooneed oo isku xirta jiilka maanta iyo hodantinimada Afka hooyo. Waxaan aaminsannahay in afku yahay dhaxalka ugu qaalisan ee bulsho leedahay, sidaa darteed Waxaan u heellannahay inaan soo bandhigno qaamuus tayo sare leh oo anfaca ardayda, qoreyaasha, iyo cilmi-baareyaasha.
🔽Soo degso Qaamuuska Qalinqaad maanta oo horumari aqoontaada Af-Soomaaliga!
======= ===========
|- Descripción en inglés -|
======= ============
Bienvenido al Diccionario Qalinqaad: una guía moderna para aprender y comprender a fondo el idioma somalí.
El Diccionario Qalinqaad es una aplicación moderna que te permite encontrar el significado de las palabras, gramática y ejemplos claros sin necesidad de conexión a internet. Utilizamos la última tecnología para preservar y desarrollar el idioma somalí, haciéndolo accesible para la era digital.
Características principales:
📘 Diccionario completo: Busca miles de palabras en somalí. Obtén definiciones, sinónimos y antónimos.
📶 Acceso sin conexión: Funciona completamente sin internet. Descárgalo una vez y busca donde quieras.
🔎 Búsqueda rápida: Resultados instantáneos con sugerencias automáticas.
❤️ Favoritos: Guarda palabras importantes en tu lista personal para una referencia rápida.
📙 Gramática y ejemplos: Aprende los tipos de palabras (sustantivos, verbos) y las conjugaciones con ejemplos de oraciones. 🔄 Actualizaciones inteligentes: Reciba nuevas palabras y definiciones automáticamente de forma inalámbrica cada vez que se actualice nuestra base de datos.
🎯Nuestra misión:
Qalinqaad se dedica a conectar a la generación actual con la riqueza del idioma somalí. Creemos que el idioma es el patrimonio más valioso de una sociedad y nos comprometemos a proporcionar una herramienta de alta calidad para estudiantes, escritores e investigadores.
🔽 ¡Descarga Qaamuuska Qalinqaad hoy mismo!

